-

TAARIIKHDA QORAALKA FAR-SOOMAALIGA (Cusmaaniya - Farsoomaali


Waxaan idiin soo gudbinaynaa qoraal dheer oo uu soo qoray nin la yidhaa “Axmed Haybe (Axmed Dowlad), oo ka mid ah akhristayaasha Dawan, waxaa uu dalka Ameerika ka soo diray qoraalkaan waxaa uuna kaga hadlayaa taariikhda qoraalka Far-Somaaliga. Axmed oo ay ka muuqato qoraalkiisa inuu baaritaan badan sameeyey, waxaan ka helaynaa Caddeymo badan oo cid ogi yar-tahay heerarka ay soo martay raadinta qoraalka Far-Soomaaliga. Axmed Haybe waxaa uu qoraalkiisa naga shaki bixinayaa warar ku tiri kuteen inagu soo gaaray, wararkaas oo kuwo badan oo ka mida ay fidiyeen dad aragti gaaban oo wax uun loo sheegay iyo dad dano siyaasadeed oo kale fulinaya taas oo qoraalkani inoo qeexi doono ilaa maantadana jira oo kharash lagu bixiyo, Yaa waaye kuwaas isbaarada ku ahaa qoraalka Af-Soomaaliga? Welina ku ah? Marka qoraalkan Axmed Haybe dhamaado qof kasta oo akhriyey waxaa u furan inuu ra’yigiisa ku soo biiriyo waxa ay la tahay, hadduu wax ku darayo ama ku bogaadinayo walaalkeen Axmed Dadaalkiisa.

Qeybtii 2-aad
Qoraal la, aanta af soomaaliga isticmaalaka luuqadda carabiga oo soomaalidu aad ugu adeegsan jirtey dhinacyo badan oo ku aaddan adeegyadda iyobulshadda iyo arrimaha ijtimaacdiga ah sida arrimaha shareecada ganacsiga, iwm. Taasaa malaha dhalisay inay yaraato baahida loo qabo qoraal Af-Soomaali.
Haddaba, qoraalkan waxaanu si kooban ugu soo bandhigii doonaa taariikhda qoraalka af Soomaaliga iyo heerarkii uu soo maray oo maanta Soomaalida Badankeedu aanay wax badan ka aqoonin, khaas ahaan intii dagaalada sokeeye dhaceenoo qoraalo badan iyo aqoon badan oo Af-Soomaaliga ku aaddaniba ay lumen.
Farta Cismaaniyadu waxa weeyaan farta ugu da’da weyn uguna caansaneyd faraha ay soomaalidu allifeen, amase aynu ugu yeedhi karo faraha Waddaniga ah (national Scripts). Cusmaan Yuusuf Kenadiid oo ahaa nin allifay fartan waxaa uu dhashay 1898-kii. Waxaa uu ka mid ahaa 4 wiil oo uu dhalay suldaankii Hobyo Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid. Cismaan wuxuu ahaa nin aqoon u leh Luuqadaha Carabiga iyo Talyaaniga. Waxaa intaa u dheeraa isaga oo ahaa gabyaa iyo Suugaan yahan. Markii hore waxaa uu Cismaan isku dayey inuu Af-Soomaaliga ku qoro xuruurfta af Carabiga. Laakiin arrintaas wuu ku qanci waayey. Gaar ahaan markii xarfaha Carabiga uu ka waayey qaar matali kara dhawaaqyada Gaarka au ah luuqada Soomaaliga.
1920-kii Cismaan waxaa uu soo bandhigay Far-Soomaali uu isagu Allifay oo runtii wax weyn ku soo kordhisay horumarinta Af-Soomaaliga. Fartanu waxaa ay markii ugu horreysayba suurtogelisay in la helo shaqalo iyo xuruuf lagu qori karo dhammaan lahjadaha iyo dhawaaqyada Af-Soomaaliga. Intii aan la qaadan Far-Soomaliga aynu hadda isticmaalo, waxay farta Cismaaniyadu aheyd tan ugu caansan Faraha AfSoomaaliga ah ee jirey. Waxaa sannadihii lixdamaadkii isticmaali jirey dad lagu qiyaasay 50,000 oo qof. Waxay dadweynaha fartan yaqaana u isticmaali jireen inlagu wada xidhiidho laguna keydiyo qoraalada Af-soomaaliga.
Faraha kale ee ay Soomaalidu alliftay ee la soo hordhigay Gddiga luuqada waxaa kala qoey: Cabdulqaadir Cadde Muunye (1961), Mustafe Sheekh Xasan (1951), Daa’uud Maxamed (1928), Cali Sheekh Cabdullaahi Qutbi (1952), Xuseen Xaashi Halaq (1960), Maxamed Jaamac Salaad (1960), Qaasim Hilowle (1960) iyo Maxamuud Axmed Maxamed (1961). Farahan wax qoraalo ah oo badan lagama hayo. Meesha qudha ee lagu xusayna waxaa weeyaan warbixintii Guddiga luuqada ee 1961-kii. Warbixintaas waxaa ku qoran xuruufaha faahaas iyo shakhsiyaadkii soo saaray. Hase ahaatee, ma cadda sida xarfaha loogu dhawaaqo. Dhammaan farahaas kala duwani waxay caddeynayaan sida shakhsiyaad badan oo Soomaaliyeed ay isugu mashquuliyeen inay allifaan far-Soomaalida u gaar ah. Waxa ay dhammaantood wadaagaan iyaga oo isku dayey inay aad uga fogaadaan farihii jirey. Arrintaasi run ahaantii waxay keentay wareer badan iyo xarfaha qaarkood oo isu ekaada. Cilladda ugu weyni waxa ay aheyd iyaga oo aan mikoodna isticmaali karin makiinadihii iyo qalabkii daabacaadda ee waddanka yaalay.
Waxaa jira qoraalo fara badan oo fartan ku qoran oo ay haystaan shakhsiyaad gaar ahi (Pivate Coolections), oo qaarka mid ah leeyihiin muhiimad suugaaneed iyo mid taariikheedba. Fartani waxay ka kooban tahay 41 xaraf oo nooc ka mid ah leeyahay daabacaad (Printing and no cursive writing), waxaa laga bilaabaa qoraalkeedadhinaca bidixda (from left to right), waxayna leedahay qoaalkeeda tirade (numerals). Guddiga Luqada 1961-dii waxaa uu fartan ku timaamay inay leedahay 7 qodob oo faa’iido ah iyo 10 dhalliilood. Arrintaasina waxay keentay inlagu taliyo inaan fartan la qaadan. Waa Cusmaaniyaddii
La soco caddadka xiga

    

 

admin@somalimarket.com  "dawanpress