GANACSATADU SHARCI LA’AAN WAA DUGAAG !

Dugaaggu waa xayawaan duurjoog ah oo hilibka iyo dhiigga xoolaha ku nool, qaarkoodna dadka iyo duunyadaba cuna.
Xoola dhaqatada iyo dugaagga doonaya inuu xoolaha ka cuno dagaal joogto ah ayaa ka dhexeeya haddaan laga yureyna neef reebi maayo, xero ayaa loo oodaa habeenkii lagu xareeyo xoolaha dadbaa ilaaliya maalintii oo dhan, haddaan sidaa la yeelin caano maynu dhanneen cadna maynu cunneen.
Haddaba waxaa la dhihi karaa ganacsatadu waa dugaag caqli leh oo ka khatarsan midka duurjoogga ah ee aan caqliga laheyn, ma aha wax meel fog inaga jira oo aan ka digtoonaan karno. Guriga ayuu kula joogaa sida dugaaga duurjoogta ahi ugu noolyahay dhiigga xoolaha ayaa ganacsataduna ugu nooshahay dhiigga dadweynaha danyarta ah. Ganacsatadu sida bahalaha hal mar ma wada liqaan dadka ee way silac dhilaan. Waxay sameeyaan wax kasta si ay ganacsigooda uga helaan faa’iido aad u badan, waxay sameeyaan khiyaamooyin badan oo dhammaantood waxyeello ku ah dadka. Waana halkaas meesha ay dadka ku dilaan, waa faa’iidada xad dhaafka ah ee ay ganacsiga ka raadiyaan.

Tusaale waxaa la sheegay in dawooyinka dalka la keeno ay ka hoseeyaan intii inay ahaadaan laga rabay, oo waxtarkoodu hooseeyo ama aanay waxba ku jirin, sababtana waxa jirta in lala soo heshiiyey shirkadaha sameeya Dawooyinka ee dunida seddexaad. Waxaa la keenaa dalka cuntooyin dhacay oo aan waxtar lahayn oo cudur laga qaadayo. Bal eeg shirkadaha taleefoonada ee midba aag xirtay sida qab-qablayaasha dagaalka ee dadka ku qasbay laba guri oo isku dheggen inayan wada hadli Karin. Dadku waxay qabaan in Dekedda iyo Garoonka diyaaradda ee Qaranku lahaa ay u xiran yihiin Ganacsatada Dekedaha iyo Garoomada macmalka ah samaystay. Kuwa dhulka xaalufiya ee Dhuxusha, Ugaadha iyo xoolaha Dhedigga ah dhoofiya waa ganacsato, iyagu waxay dhulka geliyaan ama bulshada u soo celiyaan ma jirto. Haddaba dugaagga dadka ayaa xoolaha ka ceshada, ganacsatadana dawlad iyo sharci ay ka baqaan ayaa dadka ka celiya ee damiir ma celiyo adduunka oo dhanna waa isku mid.
 

 

admin@somalimarket.com  "dawanpress