-

LA FASHO LA BEEGTAA KA ROON


Weedhaan waxay xambaarsan tahay aragti qoto dheer oo fog, waxayna ka soo maaxatay Qof ku nool Gobalka Shabeelada Hoose, magaala madaxda Gobalka (MARKA), mahadi ha ka gaarto shaqsigaas aragtidiisa qiimaha badan ee uu ku dareemay dhibaatada joogtada ah ee beeralayda Soomaaliyeed la kulanto waqtiga ay u soo go’aan miraha dalagyada beeraha, gaar ahaan Gallayda xilli kasta oo la gaaro goosashada miraha gallayda, waxaa suuqyada soo buuxiya - Gallay cagaar ah, waxa ay Soomaalida u taqaan.
Hawshaan waxaa fuliya oo u qaabilsan hay’addaha W.F.P - F.A.O – U.S.AID – oo ay kala leeyihiin, dawladdaha Maraykanka iyo Qaramada Midoobay, ayagoo u samaystay in ay ku baabi’yaan beeralayda dadyawga kale, sida AFRICA – LATIN AMERICA – ASIA .
Ayagoo ula baxay waddamada soo koraaya, dagaalkaan dhaqaale oo ku salaysan in Qaaradaha aan sadarada sare ku soo sheegnay beeraleeydooda lagu hammi jabiyo, si ay uga caagaan wax soo saarka miraha beerahooda.
Waqtiyada Jiilaalka ah, abaaraha ama roobabka xoogan beeraha waddamadaan waxyeello ka soo gaaraan, dhinacyada cimilada, galley uma keenaan waqtiga mucaawino loo baahan yahay, bil cagsi waxay ku soo beegaan waqtiyada goosashada miraha beeraha, si ay suuqa u jabiyaan, beeraleyda Soomaaliyeedna xilligaa ay is la haayeen waxaad heli doontaan faa’iido, waxay qalbi jab kala kulmaan suuqya
da gallayda lagu kala iibsado, waa arrinkaa waxa kalifay in shaqsi Soomaali beeralay ah maskaxdiisa ka soo maaxato weedhaan taariikhiga ah,ee dhahaysa la, fasho la,beegtaa ka roon
haddayba saan dhacayso, xilli kasta oo la gaaro goosashada miraha beeraha, siiba Galleyda, in ay hay’addaha F.A.O – W.F.P - U.S.I.D --- ay suuqya keenayaan gallay cagaaran innaga keliya maahee

waddamada sookoraaya oo dhan bay ku soo daadiyaan Galley cagaar ah.
Waxaa la mid ah hay’addaha samafalka isku sheega kuwaasoo iyaguna ku
shaqeeya, mabaadii’da ah – in yar sii – in yar dabadeed (little take little least ).
Soomaaliya waqtigaan aan joogno, waxaa ka jira dhibaatooyin aad u fara badan oo leh – colaad iyo abaar, sida laga war qabo waxaa abaaro ba’an ka jiraan, Goballada BARI, SANAAG, SOOL, GALGADUUD, MUDUG, HIIRAAN, afka hore iyo dhanka xeebaha ee GOBALLKA SH/DHEXE – dhammaan waxaa haleelay abaaro ba’an oo halis ah una eg tii daba-dheer oo aan dawladd lahayn.
F.A.O – W.F.P – U.S.I.D, haddii aay yihiin kuwo wax ka qabta abaaraha iyo macluusha, dadyawga la soo darista, may hadda wax u qabtaan, dadka Soomaaliyeed ee la il daran abaaraha iyo colaada, oo aay u dheer tahay xukuumad la’aan, waa in aan fahamnaa, ugu dambayn sababaha ay u dhisan yihiin hay’addahaan, waxaay ilaaliyaan danaha dawladahooda oo kaliya, taasoo ah in ay markasta suuq ka dhigtaan waddamada sookoraaya gaar ahaan AFRICA, - sida laga war hayo waxay hadda dalbeen hay’addahaan sida gurucan u shaqeeya – kumanaan mitir Tan oo Galley cagaar ah, kuna soo beegan waqtiga miro goosashada Galleyda, ee dayrtii ku baxday.
Si ay ula dagaalamaan inta yar ee u soo go’i doonta jiilaalka hortii, - u fiirso mar kale waxba ma aysan keenin waqtigii loo baahnaa.
Aragnay oo fahamnay wixii kalifay halku dhagga “ la fasho la beegtaa ka roon “ haddaba Soomaalida beeralleeyda ah maxaa u tala ah:-
1) – waa in aan isku tashanaa intii karaan ah
2) – la halganaa dhagartooda oo diidnaa galley cagaar waqti aan loo baahnayn.naloo keeno
3) – go’aan qaadashada way adag tahay- waxaase loo baahan yahay in aan wajahno xaqiiqada jirta.
Dagaalka dhaqaalaha
kaliya ma aha, ee waxaa kaloo jira – I.M.F iyo world Bank (bangiga adduunka) oo iyagana garab socda hay’addihii aan horay u soo tilmaanay, haddaad qaar la dagaalanto oo aad iska caabiso, ama aad garatid xeeladahooda waxaa kula dagaalamaya kuwan dambe oo ku oran doona sha waa badan yahay ee yaree?Waa socotaa

Cabdi Xuseen

 

admin@somalimarket.com  "dawanpress